HomeHome

Somali Radio 14:00
Somali Radio 18:00
KU: QOF WALBA OO SOOMAALI AH
( WALAASHAA SOOMAALIYEED OO AAN
KU DHALAN MEEL LAGA KAADIYO )     Fadlan dhageyso
                                                               
Sidee looga hortegi Karaa Cudurkan? Hiv/Aids.     
    
Cudurka loo yaqaanno Aids waxa uu haatan noqday dile khatar ku ah calamka oo
dhan - ma laha xuduud. Sidaasi awgeed, waxa isna sii xoogeysanaya dadaalka
caalamiga ah ee ku saabsan ka hortagga faafitaanka cudurkaas,
taas oo ay ka mid tahay barnaamijyada wacyi gelinta oo la isku dubarido.
Laanta Somaliga ee BBCda iyo heyada Health Unlimited ee dalkan
Ingiriisku waxay dhawaan iska kaashadeen barnaamijyo taxane ah oo ka
 kooban shan qaybood oo ku saabsan cudurkaasi Aids/Hiv virus.

Mawaadiicdi ugu muhiimsan ee ay ka hadlayaanna waxa ka mid ah:
 Sidee la iskaga ilaalin karaa cudurkaas? sidee loo kala qaadaa
amma aan loo kala qaadi karin? iyo naxariista loo baahanyahay in
 loo muujiyo qofkii cudurkaasi qaada? Gudniinka iyo Qodobka Haweenka: Wax Isbedel ahi Ma Muuqda Mustaqbalka?     
Eeg qoraalka macalimiinta     
Dhulka miyiga ah ee arlada Soomaaliyeed in ka badan boqolkiiba sagaashan dumarka wali waa la gudaa (Qodbaa). Qodobka ama gudniinka gabdhuhu waa arrin xasaasi ah oo muddo dheer qarsoodi ahayd, shisheeyahana laga qariyo. Dhawaan ayuunbay bilaabantay in si qayaxan looga hadlo habdhaqankaas. Taxanahan tobanka barnaamaj ah ee ka baxay laanta Soomaaliga ee idaacadda BBCda, waxaa soo saare Maxamuud Ducaaleh oo socdaal dheer ku maray meelo badan oo ka mid ah dhulka ay Soomaalidu degto .Ujeeddada taxanuhu waa in si furan looga hadlo amuurahaas iyo in la baaro bal in wax isbeddel ahi uu jiro. Qeybta 2aad  Hardhaca qeybtan waxa aad ku maqli doontaan Maxamuud Ducaale, ka dibna Cambaro oo gabdhaha gudda oo ka hadlaysa farsamooyinka ay adeegsato. Dhakhtar ayaa ka dibna ka sheekeynaya dhibatooyinka uu caafimaada dumarka gaadhsiiyo gudniinka iyo qodobku.          


Naafanimada:Maxaa laga Qabanayaa?
Dalka la baxay Jamhuuriyada Soomaalilaand waxaaa ku taalla xarun loogu
 sameeyo adimo iyo gacmaha, dadka ku naafoobay miinooyinka dhulka lagu aaso.
Waxaa la yidhaa Xarunta Dhaqancelinta Naafada ah. Barnaamijyo taxane ah oo uu
ka sameeyey waayo-aragnimada dadka naafada ee Soomaaliya, Aadan Nuux Dhuule oo ka tirsan soo-saarayaasha barnaamijada laanto Soomaaliga ee BBCda, meelaha uu
booqday waxa ka mid ah Xaruntaas oo Magaaladda Hargeisa ee dalka la magac baxay Soomaalilaand laga sameeyey 1992kii.
Maareeyaha Xaruntaas Dhaqancelinta dadka naafada ah, Cali Sheikh Jirdeh,
ayaa ka hadlay qorshayaashooda ay hawsha ku balaadhinayaan oo ah kooxo
 wareega oo ay dirayaan si ay u gaadhaan intii ay gaadhi karaanba dadka
ku naafoobay dagaalkii sokeeye.
(Barnaamijka 3aad barnaamijyo taxane ahaa oo naafada ku saabsanaa)
(Tx 14.5.98)

Home