Home

KU: QOF WALBA OO SOOMAALI AH ( WALAASHAA SOOMAALIYEED OO AAN KU DHALAN MEEL LAGA KAADIYO )
Inaa Lilahi wa inaa ileehi Raajicuun! Qof walba oo Soomaali ah waxaan kula talin lahayn inuu dhegeysto barnaamijkan ay soo diyaarisay idaacada Sagal ee magaalada Altanta, USA laguna waraysanayo Baarliin Xuseen Faarax.
Barnaamijka qaybta u danbeysa Baarliin waxay ka hadlaysaa gabar yar oo Soomaali ah oo runtii aad u dhibaataysan aabeheed iyo hoyadeedna aanay haysan lacag ay dibada ugu diraan si loo soo daaweeyo.
Gabartan yar ee Soomaalida ah oo kaadiheystedu banaanka taal isla markaana aan lahayn meel laga kaadiyo waxay ubaahantahay kaalmo degdeg ah. Adduunka way ka dhashaan ilmo waxyaabahaas oo kale ku dhacaan laakiin sida lala socdo Soomaaliya waxay kamid tahay dunida sadexaad oo ay u sii dheer tahay maamul la'aan iyo isbitaalo caalami ah la'aan.
Su'aashu waxay tahay maxaan qaban karnaa hadaan nahay Soomaali? Qof walba oo Soomaali ah waxaan ka codsanaynaa inuu ka qayb qaato sidii gabartaas yar ee Soomaalida ah loogu soo qaadi lahaa wadamada horu maray sida Maraykanka, Germany, Canada, iwm.
Maadaama Somalinet ay tahay meel luugu talo galay inay dadka isu keento, awoodayadu waa kaliya inaan dadka la socodsiino dhibaatadan, sidii loo xalin lahaana waxay u taal dadka Soomaaliyeed. Hadaba, qaybtan waxaan u furnay in la isku dhaafsado wixii talooyin ama tusaale ah. Sawirada laga qaaday gabartaas yarta ah wali nama soo gaarin laakin sida ugu dhakhsaha badan ayaan usoo galinaynaa.
Waxaa jirta in isbitaalo badan sida Toronto's Hospital for Sick Children ay dunida sadexaad kasoo qaadaan ilmaha ama dadka qaba cudur aan isbitaalda caadiga ah lagu daweyn karin, marka dhakhaatiirta Soomaaliyeed iyo ardayda barata caafimaadka waxaan ku baraarujinaynaa inay la xiriiraan Baarliin ama meeshan ay talooyinka iyo sida ugu haboon oo gabartaa Soomaaliyed lagu daaweyn lahaa figradooda meeshan kasoo dhiibtaan.
Sida ugu dhakhsaha badani waa in lafuro santuuq lacageed oo qof walba wixii awoodiisa ah uu ku shubo si waaridkaa Soomaaliyeed oo Somalia ku dhibaataysan loogu gurmado. Santuuqu hadii uu noqdo mid weyn waxaa loo adeegsan karaa in lagu kaalmeeyo Soomaalida qabta cudurada aan caadiga ahayn.
Maadaama Baarliin tahay qof baratay caafimaadka isla markaana ay tahay qofta soo aragtay gabarta yar iskuna dayeyso inay u hesho hab loo soo qaado gabarta yar, waxaa aad u wanagsanaan lahayd in qof walba oo Soomaali ah uu Baarliin ku kaalmeeyo sidii ay ugu guulaysan lahayd soo qaadida iyo daaweynta gabatraa yar.
Sagal Radio web page: http://www.sagalradio.net/
_______________________________________________________KOR/UP__

We would like to bring to the attention of caring individuals and/or organizations the plight of a 10-month-old baby girl born in Bosaso - Puntland- Somalia, with congenital abnormality described by her doctors in attachment 1 as Ectopia Vesicae. An appeal for help from the child's father is also attached (attach 2). A picture of the child's abnormal organ is also attached hereto.
This desperate child needs help. It is the opinion of her doctors that specialized surgical procedures will be required to correct the defects. The required medical treatments can not be offered to this child in Somalia.
On behalf of this desperate child Somalia Watch Organization appeals for help to caring individuals and organizations that are in a position to alleviate the pain and suffering of this small child. For more medical details the child's doctor can be contacted directly at the following address:
Dr Dahir Aden Mohamed, WHO Bosaso, Somalia Tel. 252-523-4644/6676
The child's father can also be contacted at:
Abdihakim Said Awale C/o Bosaso Somalia, Tel: 252-523-4644, fax: 252.523.4501, and P.O.Box 28074 Dubai, UAE.
Somalia Watch Organization is coordinating the initial efforts for the help of this child, and we are looking forward to a positive response to this urgent humanitarian case.
Best Regards Ali A. Jama
Director Somalia Watch::::::::::::::::::::: (www.somaliawatch.org)
Attach 1 - Doctor's Report
Rahma Paediatric Clinics
Rugta Daweynta Carruurta
Date: .20.02.2000
Diagnosis : Ectopia Vesicae
After having examined completely this small daughter with the age of 10 months, I came up to the conclusion, this child has congenital abnormality diagnosed with Ectopia Vesicae. It is not possible to reconstruct the bladder here in Somalia, therefore it is required to get specialized pediatric surgery institution capable of fulfilling this kind of operation.
Dr. Dahir Adan Mohamad
Pediatrician
Bosaso, Somalia

Inaa Lilahi wa inaa ileehi Raajicuun!
Qof walba oo Soomaali ah waxaan kula talin lahayn inuu dhegeysto barnaamijkan ay soo diyaarisay idaacada Sagal ee magaalada Altanta, USA laguna waraysanayo Baarliin Xuseen Faarax.

Fadlan dhageyso

Barnaamijka qaybta u danbeysa Baarliin waxay ka hadlaysaa gabar yar oo Soomaali ah oo runtii aad u dhibaataysan aabeheed iyo hoyadeedna aanay haysan lacag ay dibada ugu diraan si loo soo daaweeyo.

Gabartan yar ee Soomaalida ah oo kaadiheystedu banaanka taal isla markaana aan lahayn meel laga kaadiyo waxay ubaahantahay kaalmo degdeg ah. Adduunka way ka dhashaan ilmo waxyaabahaas oo kale ku dhacaan laakiin sida lala socdo Soomaaliya waxay kamid tahay dunida sadexaad oo ay u sii dheer tahay maamul la'aan iyo isbitaalo caalami ah la'aan.

Su'aashu waxay tahay maxaan qaban karnaa hadaan nahay Soomaali? Qof walba oo Soomaali ah waxaan ka codsanaynaa inuu ka qayb qaato sidii gabartaas yar ee Soomaalida ah loogu soo qaadi lahaa wadamada horu maray sida Maraykanka, Germany, Canada, iwm.

Maadaama Somalinet ay tahay meel luugu talo galay inay dadka isu keento, awoodayadu waa kaliya inaan dadka la socodsiino dhibaatadan, sidii loo xalin lahaana waxay u taal dadka Soomaaliyeed. Hadaba, qaybtan waxaan u furnay in la isku dhaafsado wixii talooyin ama tusaale ah. Sawirada laga qaaday gabartaas yarta ah wali nama soo gaarin laakin sida ugu dhakhsaha badan ayaan usoo galinaynaa.

Waxaa jirta in isbitaalo badan sida Toronto's Hospital for Sick Children ay dunida sadexaad kasoo qaadaan ilmaha ama dadka qaba cudur aan isbitaalda caadiga ah lagu daweyn karin, marka dhakhaatiirta Soomaaliyeed iyo ardayda barata caafimaadka waxaan ku baraarujinaynaa inay la xiriiraan Baarliin ama meeshan ay talooyinka iyo sida ugu haboon oo gabartaa Soomaaliyed lagu daaweyn lahaa figradooda meeshan kasoo dhiibtaan.

Sida ugu dhakhsaha badani waa in lafuro santuuq lacageed oo qof walba wixii awoodiisa ah uu ku shubo si waaridkaa Soomaaliyeed oo Somalia ku dhibaataysan loogu gurmado. Santuuqu hadii uu noqdo mid weyn waxaa loo adeegsan karaa in lagu kaalmeeyo Soomaalida qabta cudurada aan caadiga ahayn.

Maadaama Baarliin tahay qof baratay caafimaadka isla markaana ay tahay qofta soo aragtay gabarta yar iskuna dayeyso inay u hesho hab loo soo qaado gabarta yar, waxaa aad u wanagsanaan lahayd in qof walba oo Soomaali ah uu Baarliin ku kaalmeeyo sidii ay ugu guulaysan lahayd soo qaadida iyo daaweynta gabatraa yar.
KOR/UP
Sagal Radio web page:
http://www.sagalradio.net/
Teleefonka Baarliin misla meesha ayuu ku qornayahay.

Waraysigii oo cod ah:
Fadlan dhageyso

Waxay ka dheheen dad idaacada Soo wacay:
dhageyso
Teleefonka idaacada:
Tel. 404-296-3496
Email: [email protected]
KOR/UP

Warsidaha Puntland
Tirsi 41
15 June 2000 – Garowe

_____________________________________________________________________________
Warsidaha Puntland Tirsi 41 khamiis 15 June 2000 - Garoowe
MADAXWEYNAHA PUNTLAND:- DADWEYNAHA INAY DHAQSO U QAADAAN TALAABOOYIN LAGU BADBAADINAYO NABADGALIYADA IYO XORIYADA
( BOGGA --2AAD )
WAFDIGA PUNTLAND EE JABUUTI OO LAGU SOO DHOWEEYEY GAROONKA KONOKO .BOGGA 2AAD.
ERGAYGA MASAARIDA EE SOOMAALIYA OO BOOQASHO KU IMAANAYA PUNTLAND (BOGGA 8AAD)
DOWLADA PUNTLAND OO MOWQIF KA QAADANAYSA SHIRKA JABUUTI ( BOGGA 8AAD )
GOBOLKA SANAAG OO KU EEDEEYAY GOBOLKA BARI INAY KU XAD GUDBAYAAN NIDAAMKA CASUURAHA BOGGA 8AAD
BAY IYO BAKOOL OO LOOGA DABAAL DEGAY MAALINTII SALBALAAR LAGA SAARAY
( BOGGA 4AAD )
QAAR KAMID AH HAY'ADAHA AJINABIGA AH OO LAGU EEDEEYEY INAY DHINAC MARAYAAN SHURUUCDA PUNTLAND ( BOGGA 3AAD )
DOWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND WAXAY KU TIMI DADAAL ( BOGGA 8AAD )
SARAAKIIL IYO CIIDAN REER SOOL AH OO KU XIRAN XABSIGA BURCA ( BOGGA 5AAD )
WARARKA DIBADA :- DIMISHIKH, SANCA, KIGALI, ADIS'ABABA ( BOGGA 4AAD )
GO'AAMO MAAMUL OO LAGA SOO SAARAY GAALKACYO ( BOGGA 5AAD )
NIN GOWRACAY AAFADIISII ( BOGGA 5AAD )
DHALASHADA BISHA MOWLIID ( BOGGA 6AAD )
MA OGTAHAY ( BOGGA 4AAD )
_____________________________________________________________
Warsidaha Puntland Tirsi 41 khamiis 15 June 2000 Bogga 2
MADAXWEYNAHA PL:- DADWEYNAHA WAXAA LOO BAAHAN YAHAY TALAABOOYIN LAGU BADBAADINAYO NABADGELYADA IYO XORIYADA INAY DHAQSO U QAADAAN.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Md. C/laahi yuusuf axmed ayaa warbaahinta dowlada siiyay waraysi dheer oo aan ka soo qaadanay intii ku saabsaneyd booqashadiisii magaalada gaalkacayo shirka jabuuti iyo qaar ka mid ah masuuliyiinta dowlada oo fasax la'aan dalka ka maqan, waraysigiina wuxuu ku bilaamay.
Su'aaL:- Socdaalka aad ku timid Gaalkacyo muxuu ku saabsan yahay?
Jawaab:- Gaalkacyo waxaan ku imid socdaal howleed, waana caadi in gobolada la kor meero, oo la ogaado hawluhu siday u socdaan iyo xaaladu siday tahay, amnigu siduu yahay, Bulshada nolosheedu siday tahay, wixii dhibaato jira in la ogaado si tilaabooyinka ku haboon loo qaado sidaa ayaan u tagay gaalkacayo.
Su'aaL:- Waxaa jira shir dib u heshiisiin qaran inuu ka socdo Jabuuti, Dowlada Puntlandna ay mowqif cad ka istaagtay hadii sidaasi ku socoto inaysan ka qeyb galayn, kalsoonidana ay kala noqotay, arintaa maxaa ka leedahay mudane madaxweyne?
Jawaab:- Puntland bilowgii waxay go'aamisay qorshaha Jabuuti gacanta ku hayso ee ay doonayso inay fuliso inuusan waafaqsanayn himilada danaha ummadda soomaaliyeed, inaan shirka laga qeyb galin hase yeeshee dadweynaha ayaa wuxuu jeclaystay in loo diro odoyaal isimo ah, Dowladuna waxay ku dartay madaxweyne ku xigeenka Punland Md. Maxamed Cabdi Xaashi, mar hadii dadweynuhu sidaa codsadeen, shirkii loo diray wuxuu ahaa shir wada tashi, waxaan ku dirnay heshiis markii hore Dowlada Jabuuti iyo Dowlada Puntland ay wada galeen oo ay aqbaleen jabuuti.
Wafidgii halkaa tagaa inuu madaxbanaanidiisa iyo xoriyadiisa xor u noqon doono, in aan wax aan punland raali ka ahayn cidina ku khasbayn, shiiskaas markii la wada galay oo waliba uu balan qaaday uuna saxiixay Ismaaciil Cumar Geelle shuruudahaas ayaa waxaa la diray 20 Isim oo reer Punland ah, isimaduna ay iska xuleen, Madaxweyne kuxigeenkii iyo sadex nin oo xooghayn ahna lagu daray. Wafdigu mid buu ahaa ee labo ma ahayn, Punland baana dirtay waxaana loo diray in markii wada tashigu dhamaado ay dadkooda kula soo noqdaan, loomana dirin inay liisas qoraan oo iyagu siday doonaan ka yeelaan iyo inay shir qaran Punland u matalayaan ka qeyb galaan ee wixii loo diray waxay ahayd wada tashi, waana dhamaaday, markuu dhamaadeyna waxay codsadeen inay dib u soo noqdaan oo talo kula soo noqdaan Dowlad Goboleedka Punland si markaa wixii ku saabsan looga tashado dadweynaha iyo dowlad goboleedka wada jir ahaana u doortaan ciday shirka u dirsanayaan, ayna siiyaan wakaalad buuxda oo rasmi ah inay tagi karaan, Punland-na matali karaan, cidii iyadu iskeed isaga tagtaana aysan cid wakiil ka ahayn. Wixii halkaa ay hadhow ka qabtaan cid aan wakiil ka ahayn punlandna, dabcan dastuurkeeda iyo shuruucdeedu ma ogola aduunkoo dhanna waa ogyahay, odoyaasha iyo madaxweyne ku xigeenka markay wada tashigii dhamaysteen 10 casho kahor bay codsadeen inay talo kula soo noqdaan ummadda 10 casho looma suura galin, intii la xayiray ayaa waliba lagu dirqinayaa ergooyin liisaskooda hadeer na siiya shirkiina waa la galayaa oo Dowlad baa la dhisayaa, hade ma qaadi karaan masuuliyad aysan u xil saarneyn, ciday doonaanna iskama qoran karaan, qof qoran karaana ma jiro, dadka waxaa dirsanaya oo qoronaya Gobolada iyo Degmooyinka, cidii ay dirsadaan baana rasmi ah, marka hade Isimadu taa ma ay aqbali karin oo way ka cududaarteen, waxaa ka horeeya bay
yiraahdeen inaan dalkii ku noqonaa, Punland-na ay sal u timaadaa in ay talo ku soo doorateyna shirka uga qeyb gashaa, hadii loo suura galin waayey
inay soo baxaan, lagana xayiray dhaqdhaqaaqoodii ay dib ugu soo noqon lahaayeen, waxay dowlad goboleedka punland u fariisatay shir hor leh, waxaa Dowlada jabuuti iyo aduun weynaha ka codsatey in wafdi Punland ee 25 qof ah loo ogolaado inay soo baxaan inta la soo siiyo diyaaradna dalka ku soo noqdaan, markaa wada tashi rasmiya la galo sidii jabuuti laga yeeli lahaana markaa la isla meel dhigo, hadii sidaasi ka socon weysay dowlada jabuuti xayiraadna ku soo rogtay wafdigii Punland. Punland waxay go'aansatay markaa inay dowlada jabuuti codsi u jeediso. Go'aamadii Puntland-na waa loo (Fax) gareeyay, Qaramada Midoobay iyo Ururada caalamiga ahna waa loo diray, waxaana codsanay dadka Punland meesha ka jira inay dalkooda dib ugu soo noqdaan, intay soo noqonayaana la ilaaliyo, nabadgaliyadooda, xuquuqdooda mida wadaninimo iyo mida siyaasadeedba, in loo ogolaado iyagoo xor ah inay socdaali karaan, hadli karaan, fikradahoodana ay cabiri karaan. Dowlada jabuuti waxay yeeli doonto garanmayno, dadweynaha waxaa loo baahan yahay talaabooyin lagu badbaadinayo nabadgaliyada iyo xuriyada inay dhaqso u qaadaan.
Su'aal:- Madaxtooyada war kasoo baxay ayaa sheegay inaan loo dulqaadaneyn madaxda fasax la'aan dalka ka maqan, warkaa ka waran?
Jawaab:-. Runweeye amarkaa, nin masuuliyad haya oo wasiir ah, ama agaasime guud inuu fasax gaaban qaato, bilana maqnaado nidaam ogoli ma jiro ragaas waxaa laga doonayaa inay deg deg ku soo galaan, cidii hada kadib sidaa yeeshana laga aqbali maayo, dowladuna waxay ku khasbanaan doontaa talaabada la gudboon oo nidaamka waafaqsan inay qaado.
Warsidaha Puntland Tirsi 41 khamiis 15 June 2000 Bogga 7aad
JIR0OYINKA UU QAADKU SABABO
Hadii aad loo raad raaco buugaagta qaadka ka hadasha waxay ku soo ururinayaan jiroonka sababa ama kordhiya sidan.
GASTRIC: oo ay sababto maadada taninins, waana maado wax toobta. Mushkilado jinsiyadeed (Sexual problems-- riduces sexual drive) Wadne xanuun Kalya xanuun. (Kidney disease) Cuno xumo iyo cuno diido. Calool istaag uu ka dhalan karo baabasiir. Hurdo xumo. Neerfe kicin, gaar ahaan hab dhiska dareen wadka dhexe. Hadal tiro iyo rayrayn aan meel jirin. Calool xanuun. Af qaleyl.
.
Kansarka afka. Waxaa lagu arkay cudurkaa Gobolka Casiir ee Sucuudiga dadka mudada dheer cunaayey qaadka.
Haraad ama asqo badan. Kaadi ku dhag. Kaadi aan xad lahayn oo ka dhalata cabida badan ee qaadka la socota.
Dhiig kar.
Jir kulay iyo dhidid joogto ah.Minada oo qubata, badanaaba dadka qaadka waxay ka sheegtaan inaysan raali galin karin dumarka u dhaxa gaar ahaan da'da u dhaxaysa 35 ilaa 40 taasina waxay keeni kartaa dhibaato bulshadeed.
Khalal ku dhaca nidaamka dheef shiidaha cunada. Dulin: noole ku dul nool noole kale iyo kordhinta cudurada afka ku dhaca. Yaraynta caanaha hooyada naaska nuujisa. Ilko jajabin.
Dhalid caruur weyd ah ( daciif ah) Cudurada beerka, sida beer weynaadka. Baahinta cudurada sida qaaxada. Madax wareer joogto ah.
Raaxo la'aan. Himmo kicin. Xanuuno nafsi ah sida buufiska. Caro badan. Dhiig yaraan. Mindhicir weynaad. Af xanuun. Cabsi la'aan iyo isla weyni. Waali Neef tuur. Dharag beenaad. Hoos u dhac bacraminta raga iyo dumarka. Xubno barar iyo lafo xanuun uu sababo fadhiga dheer ee la fadhiyo qaadka .Intaa kuma eka dhibaatada iyo jijrooyinka laga qaado qaadka hal qoraalna laguma soo koobi karo marar kalena waxaynu ka hadli doonaa dhibaatada dhaqaale ee uu leeyahay qaadku iyo sida uu mushtamaca akhlaaqdiisa u wax yeeleeyo.
GOBOLKA SANAAG OO KU EEDEEYEY GOBOLKA BARI INAY KU XADGUDBAYAAN QAABKA CANSHUURAHA DAWLADAHA HOOSE.
Ku simaha guddoomiyaha Gobolka Sanaag Cali Jaamac Faarax(Cali Buureed) ayaa wuxuu ku eedeeyey Dawladaha hoose ee Gobolka Bari inay dib u canshuuraan waxyaabaha kala duwan ee lagu soo canshuuray Gobolka Sanaag, intaa wuxuu ku daray Guddoomiye ku xigeenku intii Puntland dhisnayd in murankaan taagnaa, horayna Wasaaradda Arrimaha Guduhu ugu amartay Maamulka Gobolka Bari inaan la qaadin cashuurtaas aan waafaqsanayn sharciga, waxyaalaha ay dib u canshuuraan ee horay loogu soo canshuura Gobolka Sanaag masuulkaan wuxuu sheegay in ay ka mid yihiin Beeyada iyo Beediga, Xoolaha nool dhagaha Xilbaaxa.
Wuxuu kaloo intaa ku daray inay Madaxtooyada u gudbiyeen qoraal ay arintaan kaga cabanayaan kana sugayaan Jawaab macquul ah, dhankale wararka naga soo gaaraya Gobolka Sanaag ayaa waxay xaqiijiyeen in olalihii xagga dhuxusha ahaa dib u bilowday si xooglehna loo gumaadayo dhirta dhulka Soolka ah.
[ [ [ [ [ [ [ [
Warsidaha Puntland Tirsi 41 khamiis 15 June 2000 Bogga
DHALASHADA BISHA MOWLIID
Mowduucaan waxaan kaga hadleynaa dhalashada bishaan la yiraahdo rabiicul awal dadka soomaaliyeedna u yaqaaniin bishii mowliid, erayga mowliid micnihiisu waa dhalasho dhalashada bishaan maxaa fadliga gooniya loogu yeelaa ? waa su'aal is weydiin mudan sababta loogu yeelo fadliga goonida ah waxaa weeye bishii uu dhashay nabigeenu SCW marka sidaa ayey qadarin fadli gaar ah u leedahay waxaana suna ah in la soomo maalintuu dhashay nabigu, lagana sheekeeyo taariikdiisii dhalashada, SCW.
Marka sidaa daraadeed ayaan dooneynaa inaan xusno siiradiisa intaan ka gaarno anagoo kaga hadli doona qaab su'aalo iyo jawaabo ah
Su'aal:- Goorma ayuu dhashay nabijgeenu? Xageese ku dhashay Nbaigeenu SCW.
Jawaab:- Nabigu SCW wxuu dhashay subax isniin ah bisha rabiicul awalna ay ahayd 9 sanadka la yiraahdo sanadkii maroodiga awalkiisii, wuxuuna ku dhashay laag ka mid ah laagaha maka.
Su'aal:- Markuu dhashay waxyaabaha daahiray oo mucjisada ahaa maxay ahaayeen?
Jawaab:- Iftiin ayaa ka baxay oo iftiimiyey sarihii shaam ee boqortooyada waxaa kaloo daatey 12sanam oo boqortooyada reer kasra ay caabudi jireen, waxaa kaloo damay Naarihii ama dabkii ay caabudi jireen majuusiyiinta, waxaa kaloo burburay kaniisadihii
iyo waxyaale kale oo aad u fara badan.
Su'aal:- Markuu dhashay yey nabiga hooyadiis u cid dirtay?
Jawaab:- Awoowgiis Cabdi mudalib ayey u cid dirtay, wuxuuna yimi isagoo ku faraxsan nabiga SCW, markaasuu kacbada la galay illaahiina ku mahdiyay oo ku shukriyay una doortay magaca Muxamed isimkaasoo aan macruuf ka ahayn carabta dhexdeeda, maalintii todobaadna wuu gu'day sida ya carabtu fali jireen qofkii oo ugu horeeyey hooyadiis ka dib waxay ahayd Gabar la yiraahdo Tubayda, kadibna waxaa nuujisay xaliima sacdiya.
Su'aal:- Waa sidee abtirsiiyaha nabigu?
Jawaab:- Maxamed Binu C/Laahi, Bini Cabdul Mudalib Binu Haashim, Binu Cabdul Munaaf, Binu Qusayi Bini Kalaab, Bini Muraha, Bini Kacab, Bini Lu'ay, Bini Fihri Bini Maalik, Bini Maladar, Bini Kinaanata Binu Khusaymata, Bini Mudrikate Bin Ilyaas, Bini Madar, Bini Nasaar, Bini Macad, Bini Cadnaan.
Su'aal:- Nabiga SCW hooyadiis magaceed?
Jawaab:- Aamina Bintu wahab, Bini Cabdi Manaaf Bini Sahra Bini kalaab
Su'aal:- goorma ayaa nabigeena SCW laga saarey dheeftii sheydaanka ee qalbigiisa ku jirtay taasoo ahayd meesha sheydaanku bini'aadanka ka waswaasiyo.
Jawaab:- Sanadkii 4aad ama 5aad ayaa xadiistu warisay, waxaana la wariyay inuu u yimi jijbriil isagoo nabijgu SCW la ciyaarayo wiilal ayey xabadka jeexeen kana saareen qalbigiisa cad itiib ah oo dheefta sheydaanka ah markaasey ku
dhaqeen qalbigiisa biyo sam sam ah kadibna meeshiisii ayey ku celiyeen
intaa kadib xaliimo sacdyo wey cabsatay oo hooyadiis ayey ku celisay kuna wareejisay.
Su'aal:- Goorma ayey hooyadiis dhimatay?
Jawaab:- Markuu nabigeenu uu jiray lix sano ayey hooyadiis aaday qabriga si ay u soo booqato aabihiis, waxaana la socday Nabiga SCW iyo khaadimkeeda, Bil ayey ku nagaatey meeshaas kadibna wey xanuunsatay, xanuunkaas ayeyna u dhimatey, waxaana lagu duugay meesha la yiraahdo Abwa oo u dhaxaysa Makka iyo Madiina,
Su'aal:-. Goorma ayuu aabihiis dhintay?
Jawaab:- Wuxuu dhintay intuu nabigu uurka hooyadiis ku jiray.
Suaal:- markii hooyadiis dhimatay nabiga yaa la wareegay noloshiisa?
Jawaab:- Waxaa la wareegay Awoowihiis Cabdul mudalib
Su'aal:- Goormuu dhintay Awoowihiis?
Jawaab:- 8 sano 2 bilood iyo 10 maalmood markuu jiray nabigu ayaa awoowihiis dhintay
Waxaa diyaariyay
Ismaaciil Xaaji Cabdi , Wasaarada Arimaha Diinta.
QAAR KA MID AH HAY'ADAHA AJINABIGA AH OO LAGU EEDEEYAY INAY DHINAC MARYAAN SHURUUCDA PUNTLAND.
Qoraal uu soo saaray Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Axmed Aadan Carab kuna socday Gudoomiyayaasha Gobolada iyo dhamaan Hay'ada ajinabijga ah ee ka shaqeeya puntland ayuu wuxuu ujeedo uga dhigay sugida nabadgaliyada iyo dhowrista shuruucda dalka.
Wuxuuna ku bilaabay beryahaan danbe waxaa soo if baxayey hay'ado ajinabi ah oo garab maraya shuruucda Dalka Puntland, hay'adaasi waxay caadeysteen in ay toos faraha ula galaan maamulka dalka iyagoo aan waxba ka weydiin Dowlada, isla markaana waxay ka samaysteen bulshada dhexdeeda kooxo ama shaqsiyaad ay ku sheegeen NGOS, kuwaas oo aan dowladu aqoonsanayn, waxaa taa ka siii daran, waxay qorteen ciidama hubaysan oo ay ugu dhaqmaan inay danahooda ku fushadaan, taasoo ka hor imanaysa sharciga nabadgaliyada ee dalka u degsan, waxay kaloo ku dhaqmeen inay dalka meeshay doonaan aadaan iyagoon war galin Dowlada dhexe, Gobolada iyo Degmooyinka, taasoo DowladaPuntland ayan ogolaan karin.
Hadaba, wixii ka danbeeya maanta oo taariikhdu tahay sida kor ku qoran waxaa lagu dhaqmi doonaa qodobada hoos ku qoran.
Hay'adaha ajinabiga ah xiriir toos lama samayn karaan shacbiga Puntland, wixii dano ah ama shaqo ee kaga xiran shacabka waxay u mariyaan Hay'ada dowlada ee shaqo ahaan ay isku xiran yihiin ama hoos yimaadaan.
NGO aan soo marin nidaamka dowlada ama aan Dowladu aqoonsaneyn xiriir hay'aduhu lama yeelan karaan, xil shaqona uma dhiibi karaan.
Socdaalka dalka gudihiisa hay'aduhu markay gobol ama degmo u baxayaan waxay ogeysiinayaan Madaxda gobolka ama Degmada.
safarada gudaha haday u baahdaan Ciidan Nabadgaliyo waxay weydiisanayaan taliska booliska ee Gobolka ama degmada.
Hay'adaha qortay shaqaalaha hubaysan waxay ku ekaanayaan shaqaalahaas hubaysani ee guriga hay'ada gudihiisa ama meelaha kale ee xafiisyada iyo bakharada u ah Gudahooda., shaqaalahaasi hubka magaalada lama dhex mari karaan, baabuurta lama raaci karaan, wadooyinka islama taagi karaan.
Madaxda gobolada iyo ciidanka booliska waa inay hubiyaan in Hay'aduhu ku dhaqmeen awaamirtaan hay'adii ka dhaga adeygtana talaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan.
BAY IYO BAKOOL OO LOOGA DABBAAL DAGAY MAALINTII SAL BALLAAR LAGA SAARAY.
Afhayeen u hadlay ururka RRA ee ka taliya gobollada Bay iyo Bakool oo la yiraahdo Shariif Xuseen ayaa sheegay in Goboladaas looga dabbaal dagay maalintii laga saaray ciidamadii sal ballaar oo ku beegnayd 6/6/2000 Baydhabo, Xuddurna waxay RRA du dib u qabsatay 29/10/199. xafladdii ugu waynayd waxaa lagu qabtay magaalada Baydhabo,
waxaana lagu soo bandhigay riwaayad ka hadlaysay halgankii RRA iyo dhibaatada salbalaar u geystay magaalada.
Waxaana munaasabadaas khudbado ka jeediyay ku simaha Guddoomiyaha RRA Shiikh Aadan Madoobe oo ka hadlay xaalada Guud ee Gobolka iyo Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Gobolka Baay Maxamed Aadan " Qalinle" oo ka hadlay arrimaha Gobolka Baay.
Dhanka kalana RRA waxay ku celcelinaysaa in ay qaadacsan tahay shirka Jabbuuti iyo weliba in malaaqyadooda loo diiday in ay kasoo dhoofaan Jabbuuti ilaa sodon ka mid ahna la xirxiray sida uu sheegay afhayeen u hadlay.
Guddoomiyaha ururka RRA Shaati Guduud ayaa isagu Safar ugu maqan waqtigan dibada, wuxuuna sida wararku sheegayaan martiqaad ka helay Dawladda Sucuudiga.
HAMBALYO
Nuur Xasan Cali, Kamaal Daahir Axmed, Ismaaciil Axmed Cumar, C/Wahaab Maxamed Cabdi, C/rashiid Cabdi abuukar, Bishaar Cali Haaruun,Khadiijo Shiikh Axmed, Khadro maxamed Cilmi,Hani Maxamed Cilmi.
Dhammaan dadkaasi waxay tahniyad u dirayaan. SICIID AXMED CUMAR (SICIID YARE) iyo NUURO ISMAACIIL DARWIISH
oo wiil ugu dhashay 12/6/2000 (7:30 fiidnimo) Magaalada Garowe, wiilkaasna waxaa loo bixiyay Ismaaciil.
Waxayna leeyihiin Alle ha ka dhigo kii anfaca dalkiisa,diintiisa iyo dadkiisaba
Aamiin Aamiin Aamiin
© © © © © © ©
MA OGTAHAY AKHRISTOW
Weligaa ma usoo joogtay, haweenay ka ganacsata qaadka oo ku hubaysan bistoolad iyo miinshaar, si aad ah u tafaxaydatay ilaa heer.....,ku ligeed jaraynaysa caro darteed,aburinaysa sida rati qooqan, duulaan ku ah nin majin qaad ah qiimaheed kala raagay, aad u taabacaysa, kuna hanjabaysa in ay naagaysanayso maanta ninkaas,iyadoo la arko in ay saas hooyo ku tahay,saakana dhowr caruur ah iyo aabahood gurigii uga timid.
Ma ogtahay in Gaaladii waagii hore Soomaalida ku caayi jirtay dhaqashada Geella, ay hadda olole ugu jiraan cunida iyo cabida hilibka iyo caanaha geella, kolkii dunidu isku waafaqday in geelu daawo u yahay cuduro badan oo khatar ah uuna ka mid yahay cudurka KANSARKA?.
Hase yeeshee ma laga yaabaa in ay gaaladu ka qaado cadka iyo caanaha geela Nebcoodidal, dibad jeclaan, haddal tiro, qayilaad, ma
shaqaystenimo, qabweyni, qabyaalad qiimeyn, qabqablenimo, shaxaad, qaran dumin, billiliqo, xan, been, jirinimo I.W.M.
intaas ka dibna ay gaaladu geelllaba inaga dhacdo.
Ma ogtahay in kulaylka daran ee magaalada Boosaaso aad hoos ugu dhici lahaa insha-ALLAAH haddii guri kasta oo Boosaaso ku yaal lagu beeri lahaa laba ama saddex geed, roobku aad uma raageen,ayna ayaraan la haayeen xaasaska sanad kasta xagaa baxa ? .
Ma ogtahay akhristow in reer galbeedka oo ka danbeeyay qaran jabkii soomaaliya sababo badan
dartood, ay hadda danaynayaan in dib loo umaamado Dawlad Soomaaliyeed ka dib markii dhalinyaradoodu aad ugu bogtay kuna dayatay nidaam darada ka hanaqaaday Soomaaliya, dalalkaasina ay hadda wadnaha farta kaga hayaan in Soomaalidu aduunka ku talaasho in Dawlad la'aan la noolaan karo ?
Ma ogtahay, in barwaaqo kasta oo la helo aan dhalinyarada Soomaaliyeed ee reer miyiga ahi in dhowaale afka saarin caano,cad iyo subag midna ee ay lacag siisteen,kuna badesheen qaad,sigaariyo shaah taasoo keeni karta dhaqan guur,Xoolaha oo ehel loo waayo,adkaysi yari iyo tirada dadka u nugul cudurada oo inagu bata.
Akhristow ma moogid ee ma ku xusuusiyaa in qalabka warbaahinya casriga ah ee Reer Galbeedka qaarkood saadaaliyeen in Geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya uu aad ugu yaraanayo Roobku, taasoo ah faragelin awooda Alle, hase yeeshee kolkii maalmo yar ka dib arkeen raxmada Alle ugu roonaaday meel kastoo Soomaalidu degto iyo geeska Afrika oo dhan ayna xaqiiqsadeen in ay ku fashalmeen saadooshoodii beenta ahayd, ma ogtahay in ay kasii dareen sababna ka dhigteen " in daruur si qalad ah uga soo habowday India timid Soomaaliya ku da'day.
Qore: Muuse Xaaji Siciid "cabbaas" Garowe
WARARKA DEBADA
Dimashaq Wakaaladaha Wararka:-
Xisbiga talada dalka Suuriya ee Al-bacad ayaa u sharaxay wiilka uu dhalay Madaxweyne Xaafid Al-Asad, Dr Bashiir Al-Asad in uu qabto jagada Madaxweyne nimada, waxaana la filayaa golaha Baarlamaanka Suuriya sharaxaadaas ogolaado labo
todobaad gudohood, geerida Madaxweynaha Suuriya si weyn ayaa looga murugooday Dalalka Carbeed, waxayna hogaamiyayaasha Carabta, Iran iyo dalalka deriska lahi ku tilmaameen in uu ahaa hogaamiye haybadleh, Israa'iil ayaa kaligeed sheegtay in uu cadow u ahaa, risalwasaaraheeda Yahuud Barag wuxuu yiri geerida Madaxweyne Asad waxay gabagabaysay waqti gaarah, wuxuuna raaciyey Israa'iil in ay ku atkaysanayso danaheeda Goboleed.
SANCA./SABA.
Muwaaddin u dhashay dalka Norway ayaa lagu dilay dalka Yemen, Wasaaradda arrimaha debada ee Norway waxay sheegtay in muwaadinkaasi la yiraahdo Goodberd iyo wiilka uu dhalay in lagu dilay dalka yemen, markii ciidamada ammaanka yemen rasaas ku fureen af-duubayaal hubaysan la haystayaasha haystay.
KIGAALI Wakaaladaha Wararka:-
Dawladda Ruwanda waxay shaaca ka qaaday inay ciidamadeeda kala bexeyso Kongo. Ka dib iska horimaad iyo dagaal ka dhex dhacay ciidamada Ruwaanka iyo kuwa Uganda, Ururka Qaramada Midoobeyna wuxuu caddeeyey in dagaalka labada geesood joogsadey.
ADDIS ABABA.
Ethiopia, waxay ku eedaysay Eretrea in ay weerar ku soo qaaday Goobohooda, Dawladda Ethiopia, waxay tiri Ereteryiintu, waxay weerarka soo qaadeen ciidamada Ethiopia kolkay ka baxayeen (JOOLAKH), waxayn intaas ku dartday Magaalada waxa hadda haysta ciidamada Ethiopia, Eretereyiintana Jabweyn ayaa loo geystey.
U U U U U
DAWLAD GOBOLEEDKA PL WAXAY KU TIMID DADAAL RAYI WAYN
Bal aan is xusuusino Dawlad Goboleedka Puntland waxay ku dhalatay, wadanka Soomaaliya waxaa ka dhacay 1991 burburkii aan la mahdin, 8 sanno ka bacdi ayaa Gobolada isirwadaagta ahi, waxay isugu yimaadeen shirar kala duwan waxay go'aan sadeen ugu dambaystii in ay dhistaan dawlad Goboleedka Puntland maadaama ummadda soomaaliyeed laga quustay in ay dhistaan dawlad, amaba ay soo ceshaan qaranimadii soomaaliya.
Mar hadii taas la waayo reer Puntland waxay gudoonsadeen in ay dhistaan maamul u gaar ah, kaasoo lagu magacaabay Dawlad Goboleeka Puntland, wayna ku guulaysteen markii arintaasi socotay muddo sanad ku dhaw, waxaa laga warqabaa Goboladaani intii burburika dhacay in ay ahaayeen goob nabad gelyo ah, hasayeeshee ayan jirn hay'ad iyo Dawlad wax u qabatay amaba gacan u fidisay, meeshii goobaha dagaalku ka socdo ay intaas kaalmooyin aan kala joogsi lahayn ay ku wadeen, taas macnaheedu waad garanaysaan waxgaradoow.
Waxaa laga yaabaa in badan oo reer Puntland ah in ay ilowsan tahay Dawlad Goboleedka Puntland oo aynu inagu soo dooranay in ay Gobolada Puntland maamulaan muddo sadex sanno ah kuna hogaamiyaan axdigii aynu qaadanay.
Mar hadii aynu inagu soo dooranay in aynu maanta mucaarad ku noqono ma xaqbaa, anagoo aan ku arag wax qalad ah, xataa hadii qalad jiro, waa in aan la is hortaagin ee si hufan wax laysugu sheego, runta markaan u hadalno Puntland wax badan bay qabatay oo aan been ahayn.
Haddii aan wax ka tilmaano wax yaalaha ay Puntland qabatay waxaa ka mid ah, waxay shaqo siisay kumayaal qof, waxaynu ka warqabnaa in ayan jirin
Dawlad amaba Hay'ad wax taakula ah u gaysta haba yaraatee dhinaca kale hadaynu u laabano waxaad arkaysaan Magaalooyinkii oo bilicdii ay lahaan jireen lagu soo ceshay, xataa waxaa dhacay jidadkii qaarkood oo la dayactiray meelo ka mid ah, run ahaan tii lama soo koobi karo wax yaalaha ay qabatay taasna Ilaahay baan uga mahad celinaynaa Maamulkana dadaal buu ka muujiyey, in kastoo aan wali la gaarin wadadii la hiigsan yahay.
Waxaad moodaa markii la fiirsho maamulka aynu dhisanay ummad badani in ay jeceshahay in la burburiyo, balse arintaani ma fududo burburka ahi, waxaan jeclaan lahaa in aanu waydimo gaaban u soo jeediyo Maamulka, Isimada, Dadweynaha Reer Puntland.
Waxaa ummadda Puntland soo dhaxgalay guux dabayl diraaceed ah oo ka timi dhinaca Jabuuti kaasoo ayan badan koodii fahmin waxa shrkaasu dhali doono, laakin ay maqleen shir baa ka jira, soo ma fiicna marka hore in la qayaaso shirkaas baaxadiisa iyo wax qabadiisu intuu la eg yahay intaadan dhoodi roorin, runta markaynu u hadalno shirkaani kama duwana shararkii hore ee soomaray ummadda soomaaliya intuu burburka jiray, waxaad moodaa reer Puntland ee maamulka Dawlad Goboleedka Puntland dhistay 1998-dii, shirkaani in uu ku sameeyey meel ka dhac iyo karaamo daro markuu u muuqday in uu tixgelinta koowaad siiyey.
Isimada reer Puntland waxay
ahaayeen kuwii ku dadaali jiray ilaa bilowgii burburkii ka dhacay soomaaliya in ay goboladaan ku dadaalaan inuu san dhicin iska hor
imaad dagaal sukeeye Ilaahay mahadii waa ku guuleeysteen, ilaa markii dambeeto oo la go'aansaday in la dhiso Dawlad Goboleedka Puntland kaasoo la doortay 1/8/98, dabadeedna waxay hawshii dhabarka u saareen maamulkii la soo doortay Isimadiina waxaa u suura gashay in ay Guryahoodii dib ugu laabtaan oo ay ku nastaan, iyagoo ku kalsoon Dawlad Goboleedkooda lagu diirsaday, arintaas ay halganka dheer u soo mareen masuuroowdo in qaar ay ku
tunta yiraahdaan waa hada iyo hor Alla Isimow wax la idiinma sheegee halaga fiirsado fudeydka qotada dheer.
Dadweynaha reer Puntland waxaynu la soconaa in aynu halgan dheer u soo marnay dhismihii Dawlad Goboleedka Puntland, waynu ogeen in cayayaan badani isku dayey in uu oodafada u rogo, waad ogeydeen calqadihii tirada badnaa oo midba mar ka gudubnay, maanta oo aynu heer marayno gacalkii ku diirsaday nacabkiina qaracan yahay dib u naqosho doonaaye haladiido, wardadoow dantaagaro.
Qor:- Xasan Yuusuf Kaarshe
GOBOLKA SANAAG OO KU EEDEEYEY GOBOLKA BARI INAY KU XADGUDBAYAAN QAABKA CANSHUURAHA DAWLADAHA HOOSE.
Ku simaha guddoomiyaha Gobolka Sanaag Cali Jaamac Faarax(Cali Buureed) ayaa wuxuu ku eedeeyey Dawladaha hoose ee Gobolka Bari inay dib u canshuuraan waxyaabaha kala duwan ee lagu soo canshuuray Gobolka Sanaag, intaa wuxuu ku daray Guddoomiye ku xigeenku intii Puntland dhisnayd in murankaan taagnaa, horayna Wasaaradda Arrimaha Guduhu ugu amartay Maamulka Gobolka Bari inaan la qaadin cashuurtaas aan waafaqsanayn sharciga, waxyaalaha ay dib u canshuuraan ee horay loogu soo canshuura Gobolka Sanaag masuulkaan wuxuu sheegay in ay ka mid yihiin Beeyada iyo Beediga, Xoolaha nool dhagaha Xilbaaxa.
Wuxuu kaloo intaa ku daray inay Madaxtooyada u gudbiyeen qoraal ay arintaan kaga cabanayaan kana sugayaan Jawaab macquul ah, dhankale wararka naga soo gaaraya Gobolka Sanaag ayaa waxay xaqiijiyeen in olalihii xagga dhuxusha ahaa dib u bilowday si xooglehna loo gumaadayo dhirta dhulka Soolka ah.

Home