Waxaa dhammaadkii bishii hore (Nov 20th 30th ) ii suura gashay inaan booqdo qaybo ka mid ah degaanka Puntland, ee Somalia. Ujeedada safarkaygu waxay ahayd mid shakhsi, waqtiga aan joogayna sida aad aragtaan aad buu u gaabnaa. Waxaan taas uga cududaaranayaa inaanan si waafi ah ama detail ah uga warrami karin dhulka, waxaanse isku dayayaa inaan si guud uga hadlo dhulka intii aan maray iyo wixii aan kala kulmayba.
Waxay ii ahayd markii koowaad oo aan dhulka ku laabto, sidaan uga soo tegay Somalia dhammaadkii siddeetamaadkii. Waxyaalo badan baa is badalay sidaan la wada soconno.
Gobolada iyo magaalooyinka aan marayey waxay u badnaayeen kuwo ka nabad galay burburkii 10-ka sano ka socday Somalia, waxaana la dhihi karaa haddii laga eego xagga dhismaha iyo horumarka kale, waxbaaba u kordhay goboladaas muddada dagaalka sokeeye socday marka loo eego meeshay joogeen 10 sano ka hor.
Magaaalooyinka aan habeen ama ka badan u hoydey waxay ahaayeen Bossaso, Garowe, Galkacyo, iyo Eyl. Qardho iyo Burtinle mid walba wax yar baan ku hakaday. Guud ahaan waddanku waa qaboobaa oo waxaa lagu jiray xilligii dayrta, miyi iyo magaalaba dadku waa qabawsaday, ILLAAH mahaddii.
NABADGALYADA:
Run ahaantii aad bay nabaddu u wanaagsanayd, waxayna ka nabad galyo fiican yihiin goboladaasi meelo badan oo western world ka mid ah. Inta badan waxaan safrayey habeenimo, mana arag wax nabadgalyo xumo keeni karo ama wax i cabsi galiya, xitaa meelaha aan laamiga ahayn. Waxaad arkaysaa baabuurta badeecoyinka iyo ganacsiga kale sidda, oo u socoto ama ka imaanaysa Waqooyi, Koonfur iyo Galbeedka Somalia, cabsi la'aanna u kala gooshaya magaalooyinka. Nabadgalyada waxaa gacanta ku haya maamulka Puntland, waxaadna mooddaa in maamulku siiyay mudnaanta koowaad. Inkastoo kontroolada (check points) jidadku ay yaraayeen , haddana magaalooyinka, siiba kuwa waaweyn waxaad ku arkaysaa ciidamada police-ka oo jidadka maraya.
Waxaa kaloo gacan ka geysta ilaalinta nabadgalyada, Issimada iyo madax dhaqameedyada kale oo iyaguna la shaqeeya maamulka, aadna looga danbeeyo goboladaas.
DHAQAALAHA:
Sidaad ogtihiin laf dhabarta dhaqaalaha dalkeennu wali waa xoolaha, xoolihiina lama dhoofiyo oo waa xiran yihiin. Runtii hadda lama dareensanayn oo roob baa jiray, laakiin cabsi weyn bay dadku qabeen haddii ay xooluhu sii xirnaadaan. Waxyaalo kale oo laga ganacsadaa waa jiraan, laakiin wax walba xoolahay ku xiran yihiin., haddaan xoolaha la dhoofinna, dhaqdhaqaaqa ganacsigu waa yaraadaa.dadkuse aad bay udadaalayeen oo meel walba dadku waxay ahaayeen kuwo mashquul ku ah meheradahooda kala duwan..
Dekedda Bossaso iyo Airport-da magaalooyinka waaweyn ayaa iyana kaba dhaqaalaha gobolka, oo canshuur dawladdu ka qabataa.
Isgaarsiintu aad bay u wanaagsan tahay, oo technology-gii u danbeeyey, sida Internet and Wireless Communications, iyo noocii hore sida HAM Radios, labaduba waa ku badan yihiin dhulka.
Xagga telephonada, waxaaba ka socday tartan, qiimuhuna aad buu macquul u ahaa. Walise waxaa ka dhimanaa wada xiriir shirkadaha kala duwan (interoperability). Waxaad arkaysaa laba qof oo midna NETCO customer yahay, midna BARAKAAT, oo Bossaso wada deggan, hadday wada hadlaanna ay noqonayso long distance rate. Hoteelada iyo meelaha ganacsiga inta badan waxaa khasab ku noqonaysa inay labada company-ba telephonadooda gashadaan, si aysan customers u lumin. Sidoo kale Galkacyo waa la mid oo waxaa ku jira AUSOMA, iyo GALKOM oo iyana aan interoperable ahayn. Si kastaba ha ahaadeene, dadkuna aad bay ugu ladan yihiin oo dadkooda bannanka iyo gudahaba waa kula xiriiraan, dhaqaalo iyo shaqo abuurisna waa u yihiin gobolka.
WAXBARASHADA iyo CAAFIMAADKA:
Aad uguma kuur galin, waqtiga awgiis. Waxbarashada waxaa la ii sheegay inay gacanta ku hayaan hay'ado iyo qaar private loo leeyahay, maamulka Puntland-na wali si buuxda ulama wareegin.
Bossaso waxaan dusha ka arkay dhismo la i yiri waa jaamacadda, East Africa University, oo dhismona wali ku socdo, ardayna ay ku xeraysan yihiin ugu yaraan laba kulliyadood.
Dugsiyada sare magaalooyinka waaweyn waa ka furnaayeen, laakiin dhammaan gobolka PL ma wada gaarsiisna.
Dhanka caafimaadka, waxaa gobolka ku laabtay dhakhaatiir badan, oo runtii wax badan u qabtay dadka, waxayse ka liitaan sida la ii sheegay xagga qalabka isbitaalada, iyo daawooyinka. Waxaa aad iiga yaabiyey sida farmashiyaashu ugu badnaayeen gabi ahaan magaalooyinka waaweyn inkastoo tayadoodu ayan sarayn..
DHISMAHA iyo DEGGAANKA:
Runtii dhulku aad buu u dhismay guud ahaan, siiba Bossaso iyo Galkacyo. Waxaa kaloo iyana dhismaysa Garoowe, oo dardar uu ku socodo dhismaheeda.
Xagga qaabka magaalooyinka loo dhisay, Galkacyaa ugu liidata saddexdooda, Garowena waa ugu nidaamsantahay Boosaasana aad baa indhaha dawlada hoose ugu haysaa oo u ilaalisaa.
Labada magaalo oo waaweyn waa Boosaaso iyo Gaalkacyee, dad badan oo qaxooti ah iyo ganacsato yar yar oo badan baa deggen, taasaanaa sabab looga dhigaa nidaam la'aanta ay dadku meel walba u dhisteen.
Jidka laamiga ah oo Bossaso ilaa Garowe aad buu u fiicnaa oo waxbaa laga qabtay Laakiin kan isku xira Garowe iyo Galkacyo meelo buu ka burburay, wuxuuna u baahnaa dayactir.
.
Baadiyaha waxaad mooddaa in dhirtii iyo ugaartii ay sii yaraanayso.
Waxaan si fiican u maray baadiyaha Nugaal, meelaha qaarkood waxay ahaayeen ban, ugaarna sagaaro iyo goroyaan ka arkay.
Mar aan dadka tuulooyinka la sheekaystay waxay ii sheegeen in Mudug roon tahay, oo degaanada qaarkood lagu soo rogay ganaax, oo ruuxii ugaar soo disha la ganaaxo ilaa 1 Milyan oo shilin.
SIYAASADDA:
Iyada wax badan ka oran mayo oo xiiso badanna looma qabo, dadka gudahana waxaadba mooddaa in kuwo dibaddu kaga dheereeyeen.
Waxaan is beddelin waxaan arkay sida dadku BBC-da laanta afsoomaliga u dhegaysanayeen, ugana faalloonayeen waxay sheegto.
Maaddaama gobolka uu gacanta ku hayo maamulka Puntland, masoo gaarin dawladdii dhowaan Arta lagu soo dhisay, ka hadalka iyo taageerada dawladda Arta-na aad buu ugu yaraa. Dadka intaan arkay oo ka hadlaysaana waxay uga hadlayeen sidii wax burburay, xitaa kuwa maamulka mucaaradka ku ah.
Waxaan joogay Garoowe mar booliska Puntland uu dad xirxiray loo haystay hadalo ay faafiyeen , runtiina wax weyn dadku uma arkayn. Waxaan soo xusuustay sida loo buun buunin lahaa haddii aan dibadda joogno.
Paarlammanka Puntland wuxuu ku mashquulsanaa diyaarintii dastuurka, iyo u diyaar garowga doorashada la filayo inay dhacdo Augosta soo socota, haddii ALLAH idmo..
Meelaha dadku ku sheekaysto, inta Puntland iyo doorashadeeda iyo cidda u tartamaysa madaxnimada laga hadlo baa ka badnayd, inta Arta, ama somalida kale laga hadlo. Waxay kaloo dadku ka hadlayeen, rumor ah in dawladda la isku shaandheyn doono.
Abdirizak Haji Abdulle
USA
|